Madaxweyne Gaas oo ka qayb galay munaasabad lagu daah-furayey dhammaystirka wejiga 2aad ee garoonka caalimaga ah ee Boosaaso.[Masawiro]

May 2, 2016 - Written by Editor

IMG_7507Boosaaso:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali  ayaa maanta 2-May-2016 garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha ee Boosaaso waxa uu kaga qayb galay munaasabad looga dhawaaqayey daah-furka dhammaystir ka wejiga labaad ee garoonka Caalamiga ah ee Boosaaso.

Munaasabdda daahfurka waxaa kasoo qayb galay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka dawladda Puntland, xubno ka tirsan labada gole ee dawladda Puntland, Wasiirka Duulista Hawada ee Soomaaliya, Danjiraha dawladda Talyaaniga u fadhiya dalka Soomaaliya, Danjiraha dawladda Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, xog- hayaha guud ee urur goboleedka IGAD, Danjiraha Soomaaliya u qaabilsan IGAD, hay’ado ka socdey qaramada midoobey, Isimo, culumaa’udiin iyo dadweyne aad u tiro badan.

Munaasabadda ayaa ahayd mid looga dhawaaqayey daah-furka wejigii labaad ee Garoonka Caalamiga ah ee Boosaaso oo isugu jira 4-weji oo kala ah  1km oo lagu dari doono waddada ay diyaaraduhu ku ordaan (Runway), Terminal weyn oo lamid ah kuwa caalamiga ah, baarkinadii diyaaraduhu ay istaagi lahaayeen (Parking) oo la sii ballaarin doono iyo nalayntii ama iftiimintii garoonka, si’uu u noqdo mid habeen iyo maalin isku si’ loo adeegsado, isla markaana dhaqaalaha ku baxay.

Danjiraha dawladda Talyaaniga u fadhiya dalka Soomaaliya Ambassador Fabrezio Mercelli oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa ballan qaaday in mashruucaan oo ka kooban 4-ta weji ee aan kor kusoo xusay ay dawladda Talyaanigu dhaqaalaha ku baxaya hal mar sii wada deyn doonto, isla markaana ay fulinta mashruucan u wakiilan doonto urur goboleed IGAD.

Sidoo kale Danjiruhu waxa uu ammaanay sida hufnaanta leh ee ay dawladda Puntland u fulisey wejigii koobaad ee Madaarka oo sidii loogu talo galay loo hirgeliyey isla markaana waxaa  uu sheegay in dawladda Puntland ay tusaale u tahay Soomaalida inteeda kale iyo guud ahaan geeska Afrika.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in dawladda Puntland ay aad usoo dhoweynayso uguna faraxsantahay taageerada lixaadka leh ee ay dawladda Talyaanigu siinayso Puntland, isagoona intaa sii raaciyey in dawladda Puntland iyo shacabkeeduba aanay iloobi doonin garab istaagga ay ka heleen dawladda Talyaaniga xilli ay aad ugu baahan yihiin.

Sidoo kale Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sheegay in garoonka caalamiga ah ee Boosaaso uu noqon doono garoomada ugu caalamisan qaaradda Afrika isla markaana uu wax badan ka beddeli doono dhaqaalaha Puntland iyo shaqo la’aanta baahsan ee ka jirta Puntland.

Ugu dambayn, Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa xusay in aan mashaariicdani ka hirgaleen Puntland haddii aanu kajirin  amni buuxa, isla markaana waxa uu ugu baaqay shacabka Puntland in ay adkaystaan amnigooda iyo xasiloonidooda,  ayna  u midoobaan  sidii ay isaga qaban lahaayeen cid walba oo khal-khal gelin karta nabad gelyadooda.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online