Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kormeeray Qalabka lagu dhisi doono waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo.[Masawiro]

May 2, 2016 - Written by Editor

IMG_7315Boosaaso:-Madaxweynaha Dawladda Puntland  Dr. C/weli Maxamed Cali ayaa maanta 2-May-2016 waxa uu kormeeray qalabka lagu dhisi doono waddada Ceel-daahir ilaa Ceerigaabo oo dhowaan ay soo iibsatey dawladda Puntland lagana soo dejiyey Dekedda magalaada Bosaaso. Kormeerka ayaa Madaxweynaha waxaa ku wehelinayey Danjiraha dawladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Fabrezio Mercelli iyo wufuuddii kale ee ka socotey urur goboleedka IGAD iyo dawladda Federaalka Soomaaliyeed iyo xubno ka tirsan labada gole ee dawladda Puntland.

Xubno katirsan guddiga waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo iyo Injineerada waddada  ayaa Madaxweynaha iyo Safiirka uga warbixiyey qalabkaan ay soo gadeen nooca uu yahay iyo shaqooyinka lagu qaban doono iyo sidoo kale qalabka loo baahan yahay ee aan weli lasoo gadin.

Dawladda Puntland ayaa ka codsatay dawladda Talyaaniga iyo urur goboleedka IGAD in ay ka caawiyaan mashaariic dhowr ah oo ay ka mid tahay dhismaha waddada Ceel-daahir-Ceerigaabo oo lagu bilaabi doono dhismeheeda qaab isku tashi ah.

Dhinaca kale  Madaxweynaha dawladda Puntland iyo wufuudaasi caalamiga ah ayaa kormeeray Dekedda Boosaaso oo xilligaasi ay ka socotey dib u dayac tirid ay dawladdu ku samaynayso dekedda oo meelo kamid ah uu soo gaadhey bur-bur maadaama dekeddu ay dhisan tahay ku dhowaad labaatan sano.

Geesta kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali  ayaa xadhigga ka jaray labo waddo cusub oo laami ah oo mid kamid ahi ay isku xidhi doonto Garoonka Caalamiga ah ee Boosaaso iyo magaalada inteeda kale, halka waddada kalena ay isku xidhi doonto Madaxtooyada Boosaaso iyo Jidka Soddonka.

Dawladda Puntland ayaa xoogga saaray horumarinta kaabayaasha dhaqaaleheeda iyo soo celint bilicda magaalooyinka iyadoo kaashanaysa shacab keeda horumarka jecel, waxayna ku yimaadeen mashaariicdaasi isku tashigii uu ku dhawaaqay Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas markii uu la wareegey hoggaanka Puntland.

—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online