Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Muqdisho kaga qayb galay shirka Madasha wadatashiga Qaran.

May 29, 2016 - Written by Editor

IMG_0027Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 29-May-2016 magaalada Muqdisho kaga qayb galay shirka Madasha hoggaamiyayaasha qaran ee looga hadlayo hannaanka doorashooyinka 2016-ka oo saaka ka furmay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul-wasaaraha dawladda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka, Madaxweynaha dawlad goboleedka Jubba-land iyo Madaxweynayaasha maamullada kumeel-gaarka ah ee Koon-fur-galbeed iyo Galmudug.

Shirka oo Socon doona Muddo labo maalmood ah ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa sidii loo hirgelin lahaa heshiisyadii ay hore Madashu u gaartey ee la xiriirey hannaanka doorashooyinka iyo qaababka ay guddiyadu uga hawl geli doonaan dhammaan gobollada dalka.

Sidoo kale muddada uu shirku socdo ayaa lagu lafa guri doonaa halka looga sii gudbayo kadib doorashada 2016-ka iyo sidii dalka Soomaaliya loo gaarsiin lahaa doorasho qof iyo cod ah  si loo soo celiyo qaranimadii Soomaaliyeed.

—-DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online