Madaxweynaha dawladda Puntland oo safar ugu Amba baxay magaalada Muqdisho.[Masawiro]

May 28, 2016 - Written by Editor

IMG_9913Garoowe:-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta  28-May-2016 ka amba baxay magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland isagoo kusii jeeda magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Madaxweynaha iyo wafdigiisa  ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee kanooko ee duleedka Garoowe waxaa kusii sagootiyey Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, guddoomiyaha Baarlamaanka dawladda Puntland Axmed Cali Xaashi, Wasiirro, Xildhibaano, saraakiil ciidan iyo agaasimayaal ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.

Ujeedka socdaalka Madaxweynaha ayaa salka ku hayey ka qayb galka shir looga hadli doono dhamaystirka shirarkii muddada dheer soconayey ee Madasha wadatashiga iyo dedaalada loogu jiro hannaanka geeddi socodka doorashooyinka 2016-ka.

Madaxweynaha ayaa  sheegay in rajeynayo shirkaasi in uu ka dhigo mid ay kasoo baxdo natiijo wanaagsan oo ummadda Soomaaliyeed u horseedda dawladnimo, xasilooni iyo kala dambayn isla markaana sabab u noqda dhabbihii lagu  gaari lahaa qaranimo soomaaliyeed oo taabba gal ah.

Ugu dambayn Madaxweynaha ay ugu baaqay shacabka Puntland in ay adkaystaan ammaanka iyo xasiloonida ka jirta Puntland isla markaana ay la shaqeeyaan laamaha kala duwan ee ammaanka  si loo sugo nabad gelyada guud ee dalka.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online