Madaxweynaha DFS oo dhagax dhigay dhismaha lagu ballaarinayo isbitaalka Sheikh Zayed (Masawiro)

May 21, 2016 - Written by Editor

5Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dhagax dhigay qeybtii labaad ee dhismaha lagu ballaarinayo isbitaalka Sheikh Zayed ee magaalada Muqdisho.

Mashruucan uu maanta Madaxweynaha dhagax dhigay ayaa waxaa maalgelintiisa iyo hirgelintiisaba ku deeqay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Dowladda Imaaraadka Carabata doorka iyo taageerada ay ka geysaneyso dib u dhiska iyo soo nooleynta adeegyada bulshada ee dalka.

“Walaalaheena Imaaraadka Carabta waxay mar kale inoo muujiyeen sida ay uga go’an tahay inay ina garab istaagaan. Mashruucan waa mid waxtar u yeelan doona shacabka Soomaaliyeed’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Munaasabadda dhagax dhigga waxaa kale oo ka soo qeybgaley Danjiraha Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mohamed Al-Othman, diblomaasiyiinta dalalka shisheeye u fadhiya waddanka iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Soomaaliya.

———————-DHAMMAAD———————-

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online