Madaxweynaha DFS oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee Uganda

May 26, 2016 - Written by Editor

4Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta warqadihii aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee dalka Jamhuuriyadda Uganda u fadhin doona dalka Danjire Prof Sam Tulya Muhika.

Madaxweynaha ayaa danjiraha u xaqiijiyey in Soomaaliya ay si buuxda ula shaqeyn doonto, una fududeyn doonto xil gudashadiisa.

Madaxweynaha iyo danjiraha ayaa sidoo kale ka wadahadley xoojinta iyo iskaashiga labada dal, siiba dhinacyada tababarka ciidammada, tababarka shaqaalaha rayidka, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo waxbarashada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa danjiraha ka codsadey inuu salaan iyo mahad celin ka gaarsiiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda, Yoweri Museveni.

Danjire Prof Sam Tulya Muhika, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu dalkiisa wakiil uga noqdo, isagoo ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono wadashaqeynta labada dal.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibedda, Axmed Cali Kadiye iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada dhinac.

————–DHAMMAAD——–

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online