Madaxweynaha Puntland iyo Waftigii uu hoggaaminayey oo loogu soo dhoweeyey Jabauuti

May 7, 2016 - Written by Editor

IMG_6836Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta 07-May-2016 gaarey magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti, halkaas oo si aad u diirran loogu dhoweeyey Madaxweynaha iyo wafdigiisaba.

Wafdiga Madaxweynaha oo ay kamid ahaayeen Marwada koowaad ee Puntland Dr’s Hodon Siciid Ciise, Wasiirka Maaliyadda dawladda Puntland Cabdullaahi Sheekh Axmed, Wasiirka Amniga dawladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab, Xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada  Jabuuti kusoo dhoweeyey masuuliyiin sare oo ka tirsan dawladda Jabuuti oo uu hoggaaminayey Agaasimaha guud ee Madaxtooyada dalka Jabuuti Ismaaciil Xuseen Taani.

Salaan iyo soo dhoweyn kaddib Madaxweynaha iyo waftigii waxaa loosoo gudbiyey qaybta nasashada ee martida gaarka ah ee garoonka Jabuuti, halkaas oo ay cabbaar ku nasteen, iyadoona ugu dambayntii loo sii gudbiyey hoygii  loo diyaariyey ee ay ku degi lahaayeen.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka maalinimada berrito magaaalada Jabuuti kaga qayb geli doona munaasabadda caleemo saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Islmaaciil Cumar Geelle oo markii afraad ku guuleystey jagada Madaxtinimada dalkaasi.

Sidoo kale Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa inta uu joogo magaalada Jabuuti waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda ugu sarraysa dalkaasi iyo xubno isugu jira Safaaradaha iyo hay’adaha fadhigoodu yahay dalka Jabuuti.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online