Mu’asasada Al-Minhaaj Faraca Nugaal oo soo bandhigtay waxqabadkeedii sanadkii lasoo dhaafay.(Masawiro).

May 20, 2016 - Written by Editor

8-1Mu’asasada al-Minhaaj faraceeda garoowe ayaa maanta oy taariikhdu tahay 19-May-2016, kusoo bandhigay waxqabadkoodii sanadkii tagay hoolka jaamacadda bariga afrika, bandhigan ay mu’asasada al-Minhaaj samaysay ayaa ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay.

Waxaa kasoo qayb galay xafladdan bandhigeed qaybaha kala duwan ee bulshada sida madaxda dawladda Puntland, waalidiin, ganacsato, macalimiin, ardey iyo qaybaha kala gadisan ee bulshada.

Waxaa xafladdan ka hadlay culumo, salaadiin, agaasimayaal iyo madaxda mu’asasada, ugu horayn waxaa madasha ka hadlay Sh. C/rashiid Maxamed Ismaaciil waxa uu shiikhu tilmaamay muhiimada ya leedahay in la helo mu’asaso u taagan horumarinta bulshada xag dacadeed iyo xag kobcineed ba, waxa uu shiikhu bogaadiyey jiritaanka mu’asasada al-Minhaaj waxa kale uu shiikhu sheegay in loo baahanyahay wada shaqayn buuxda in lala yeesho qaybaha bulshada maadaama ay yihiin dadkii wax loo qabanayey.

Xafiiska xog-haynta mu’asasada al-Minhaaj faraceeda Nugaal ayaa soo bandhigay muuqaal kooban oo muujinaya waxqabadkii mu’asasada sanadkii la soo dhaafay, muuqaalkan ayaa ahaa mid lagu soo koobay laguna soo aruuriyey waxqabadyadii ay mu’asasadu fulisay mudadaas sanadka ah.

Xafladdan waxaa ka hadlay gudoomiyaha golaha fulinta ee mu’asasada Sh. Mukhtaar Axmed Faarax, wuxuu soo bandhigay gudoomiyuhu waxqabadkii ay ku guulaysteen mudadaas sanadka ah asagoo uga waramaya si faahfaahsan, kadib bandhigaas waxa uu gudoomiyuhu u mahad caliyey dhamaan cidii lasoo shaqaysay mudadaas, si gaar ah gudoomiyuhu wuxu u xusay webka Halgan.net oo kala shaqaynayay baahinta dhamaan hawlaha dacwadeed ay mu’asasadu hayso.

Waxaa isla madashaas ka hadlay gudoomiyaha golaha tashiga ee mu’asasada Sh. Dalmar Guureeye Kaarshe, gudoomiyuhu wuxuu u hanbalyeeyey shaqada wacan ay qabatay mu’asasada Minhaaj mudadaas sanadka ah, isla markaana waxuu goobta kaga dhawaaqay in xilka gudoomiyaha golaha fulinta la kordhiyey oo laga dhigay laba sano, awalse ay ahayd hal sano, waxa kale uu gudoomiyaha golaha tashiga ee mu’asasadu cadeeyey in labada sano ee soo socota ay u garteen Sh. Mukhtaar Axmed Faarax inuu sii hayo hogaanka mu’asasada.

Madaxda ka soo qayb gashay xafladdan waxaa kamid ahaa: gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Puntland, wuxuu xusay gudoomiyuhu inuu ku faraxsanyahay waxqabadka intaas le’eg waxa uuna muujiyey muhiimada ay leedahay asagoo ku dhiirri galiyey madaxda mu’asasada inay dadaalkooda sii wadaan wixii caawimaad ahna uu la garab taaganyahay xubin kamid ahna uu yahay.

Isla madashan waxaa ka hadlay gudoomiyaha guud ee mu’asasada al-Minhaaj heer Puntland Sh. Maxamed C/laahi Cabdulle, waxaa kale oo ka hadlay goobtaan Prof. Sulub, Cismaan Guureeye iyo Sh. C/qani Qorane.

Guud ahaan jawiga madashan ayaa ahaa mid muujinaya in la heli karo bulsho isku xiran oo qabsata danaheeda, kuna tilaabsata horumarka wadankood.

Nuur Jaamac Aadan
Xafiiska Warbaahinta Al-Minhaaj
Garowe.

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online