Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo kulan la qaatay dhalinyarada

May 16, 2016 - Written by Editor

sharmaakeMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa maanta hambalyo u diray dhamaamba dhalinyarada Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan, Munaasabadda sanadguurada 73-aad ee aas aaskii ururkii dhalinyarada ee SYL kuwaasoo horseeday gobanimadii dalka.

“Ugu horeyn waxaan hambalyo u dirayaa dhalinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan gudaha iyo dibedda, waxaana rabaa aniga oo ka faa’iideysanaya fursada maalintan qiimiga weyn leh ee 15-ka May, waxaan ku boorinayaa dhalinta Soomaaliyeed inay la yimaadaan Midmimo iyo Wadajir, taasoo ah wadada kaliya ee dhalinta Soomaaliyeed ku keeni karaan isbadal saxan oo muuqda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in dhalinyaradii SYL ay ahaayeen dhalinyaro 13 ah, balse ay sameeyeen taariikh dahab ah oo lagu xasuusan doono weligood.

“Anigoo ka faa’iideysanaya munaasabadan maanta, waxaan sidoo kale doonayaa in dhalinyarada aan uga digo in ay waajahaan qatarta Tahriibta, oo ah dhimasho fool xun, adduun iyo aakhirona ku qasaarayo qofkii u bareera” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo ugu baaqay dhalinyarada inay la yimaadaan aragti cusub iyo isku duubni.

“Xukuumadeydu waxay fursada koowaad siineysaa dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana ku talo jirnaa shaqo abuur iyo dhiiragelinta maalgashiga dalka, si dhalinyaradu u helaan fursado shaqo iyo mid waxbarasho” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke.

—-DHAMAAD—

Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online