Turkiga oo ka qaadatay safiirkeedii Bangladesh ka dib daldalaaddi Nidaami

May 15, 2016 - Written by Editor

14r099Ankara– Madaxaynaha turkiga Rajab Dajiy Orodogan ayaa sheegay khamiistii in uu waddankiisu la noqday safiirkiisii dalka Bangladesh ka dib markii dalkaasi dil toogasho ah ku fuliyay   hoggaamiyihii jamaaca islaamiya ee dalkaas Mudiicu raxmaan Nidaami. Wasaaradda arrimaha dibadda ee turkiga ayaa ugu yeertay safiir  Doryam Awzoturki wada tashi arrinta ka dhalatay toogashada loo gaystay Nidaami, arrintani waxay timid ka dib hal maalin markii ay soo saartay wasaaraddu inay aad u diidantahay xukunka dilka ah fulintiisa.

Xukuumadda Dhaka xukunka dilka waxay ku fulisay Mr Nadami (72 jir) maalintii talaadada ka dib markii lagu eedeeyeeyay gaysashada denbiyo dagaal iyo inuu la taageerayay ciidanka dalka Pakistan markii ay ka go’ayeen dalkaas 1971, iyadoo la ogyahay in maxkamadda sare xukuntay  khamiistii  in xukunka toogashada  nadami uu yahay mid aan laga noqonayn oo kama danbayn ah xukunkaas oo soo baxay October 2014.

Dalka Bangladesh  waxaa hareeyay Banaan baxyo ay ka qayb galeen kumanaan ka tirsan taageerayaasha xisbiga (jamaaca islaamiya) xilligii lagu guda jiray aaska Nadami kaas oo ahaa wasiir iyo Barlamaani hore  kaas oo lagu dilay daldalaad xabsiga dhexe ee magaalada Dhaka, waxaa halkaa ka dhacay iska horimaad u dhexeeya taageerayaasha Nadami iyo ciidanka Booliska kaas oo ka dhacay magaalooyin badan oo ka tirsan dalkaasi, isla markaana waxay ku baaqday jamaacadu shaqa joojin maalintii khamiista ee aan soo dhaafnay.

Dhinaca kale Ururada caalamiga ee u dooda xuquuqda aadanaha ayaa duray talaabooyinka loo maray maxkamadanta Nidami iyo in aanay gaarsiisnayn halbeegga caalamiga ah, halka xukuumadda Dhaka ay ku gacansayrtay eedaymahaas.

Source:Aljazeera

 

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online