Waqtiga Caleema saarka Suldaanka Beesha FIQISHINI oo la shaaciyey.[Masawiro/Video]

May 11, 2016 - Written by Editor

1Laascaanood:-Gudiga Qaban qaabada xaflada Munaasbada caleema Saarka Suldaanka Beesha FIQISHINNI ayaa waxaa ay si rasmi ah ugu ku dhawaaqay xilliga iyo madasha lagu qaban doono munaasabada Caleema saarka iyo welba Boqrida Boqor Mustafe Maxamuud Awseed . Suldaan Mustafe Maxamuud Awseed oo loo doortay Suldaanka beesha FIQISHINI dabayaaqadii sanadkii tegay ayaa waxaa lagu wadaa in la cameelo saaro dhamaadka bishaan May ee hadda socota.

Gudigaan oo uu hormuud uu ka yahay Sh Axmed Maxamed Sulaymaan ayaa waxaa ay sheegen in lagu qaban doono Munaasabada Caleema Saarka 30 may 2016 , Balliga Barwaaqo ee duleedka Bariga magaalada Adhicadeeye oo magaalada Laascaanood kaga beegan qiyaastii 30 km dhanka Waqooyi galbeed.

Balliga lagu Boqrayo Suldaanka Beesha FIQISHINNI ayaa ah Balli aad u u qurux badan oo ay dhex daaqayaan saddex meesi ee Xoolaha ay Soomaalidu dhaqato , Waxaana xilligaa lagu wadaa inay ka soo qayb geli doonaan dhamaan madax dhaqameedka beelaha kala duwan ee Soomaaaliyeed.

Hoos ka Daawo gudiga qabanqaabada Caleema Saarka Suldaanka Beesha FIQISHINI

En Mawliid Isma Haradigeed
Laascaanood, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online