Weerar lagu qaaday xarunta Ciidamada Ilaalada Wadooyinka ee Taraafikada ee Muqdisho

May 9, 2016 - Written by Editor

taraafikMuqdisho:-Waxaa maanta qof ismiidaamiyey oo wata gaari laga buuxiyey walxaha qarxa uu weerar la beegsaday xarunta Ciidana Booliiska waddooyinka ee magaalada Muqdisho sidda ay arrinkaas u xaqiijiyeey saxaafadda Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya. Saraal ka tirsan ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saxaafadda u sheegay in weerar kaan ay fuliyeen labo dhalinyaro ah oo mid uu isku dhex qarxiyey gaari uu watay halka midka kale uu isku dayey in xoog uu ku galo gudaha xarunta Booliiska waddooyinka ee Muqdisho balse ay ciidanka ilaaldu ka ahaa xarunta ay tooogasho ku dileen.

Weerarka oo ay sheegteen ururka Al-shabaab ayaa waxaa ku dhintay ilaa 6 qof halka 13 kale ay ku dhaawacmeen sidda ay shaqaalaha caafimaadku u sheegeen saxaafadada ka howl gasha magaalada Muqdisho, Saddex ka mid ah dadka dhintay ayaa ka tirsanaa ciidanka Booliska ee ilaalada ka hayey banaanka hore ee xarunta Ciidanka Booliiska waddooyinka ee Muqdisho.

Xarunta ciidanka Booliiska waddooyinka ee Muqdisho ayaa waxaa ay ku taallaa meel u dhow dekeddii hore ee Muqdisho ee degmada Shangaani, halkaasi oo sidoo kale ay ka dhow dahay safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho.

Ma ah markii ugu horeeyey oo weeraro noocaan oo kale ah oo ay ururka Al-shabaab la bartil maamsadaan xarumo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayna ka dhasheen khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online