Al-shabaab oo caawa weeraray Makhaayada Banaadir Beach ee magaalada Muqdisho

August 25, 2016 - Written by Editor

beachMuqdisho:-Waxaa caawa kooxda ka tirsan ururka Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Baar ku yaal xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho oo dad shacab ah ay ku caweynayeen iyagoo marka hore  qarax ku weeraray ka dibna gudaha u galay baarka Liido Beach.

Makhaayada la weeraray ayaa waxaa lagu magacaabaa Banaadir Beach, waxaan waqtiga weerarka dhacay ku sugnaa dad weyne fara badan waxaan weli laga maqlayaa daryanka rasaasta oo la filayo in kooxda weerarka geystay ay ridayaan.

Makhaayada la weeraray ee Banaadir Beach ayaa xiliga la weeraray waxaa ay dadweynu ay fiirsanayeen ciyaaraha kubada cagta ah oo markii qaraxu uu dhacay ay dadku kala carareen ka dibna ilaaladii ka dhawaa Banaadir Beach ayaa bilaabay rasaas xooggan.

Warar hordhac ah oo soo baxay ayaa sheegaya in uu jiro khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad weynihii ku sugnaa Makhaayada Banaadir Beach, ma jiro ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Hay’addaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Weerarka caawa Al-shabaab ay ku qaadeen Banaadir Beach ayaa ku soo beegmay xili maalmo ka hor ay Al-shabaab ay labo qarax oo weerar ah oo dad shacab ah ay ku dhinteen ay la beegsadeen Suuqa Xero Dayax iyo weliba xarunta Dowladda Hoose ee magaalada Gaaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Wixii soo kordha kala soco Halgan.net

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online