Ciidanka Amaanka Hargeysa oo joojiyey Bandhig Faneed lagu qaban lahaa Hotel Grown ee magaalada Hargeysa

August 13, 2016 - Written by Editor

hotel-crownHargeysa:-Wararka caawa naga soo gaaray magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka S/land ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay joojiyeen Bandhig Faneed ay dhigi lahaayeen koox fanaaniin ah oo qurbaha ka yimid kuwaas oo ku soo hungoobay in ay bandhig faneed balaaran ka dhigaan magaalada Garoowe.

Culumada iyo Ismimada Puntland ayaa si isku mid ah uga dhigay Bandhig Faneedyo la rabay in lagu dhigo magaalooyinka waaweyn ee Puntland gaar ahaan magaalada Garoowe waxaana arinkaas si adag uga hadlay culumada Puntland iyo waxgarad kale oo badan.

Koox Fanaaniin ah oo ka yimid Qurbaha oo ay horboodayaan NASTEEXO INDHO & DJ SUBEER ayaa gaaray magaalada Hargeysa say u dhigaan Bandhig Faneed ayaa waxaa caawa kala diray ciidanka Amaanka ee magaalada Hargeysa .

Bandhig Faneedka ayaa waxaa la rabay in lagu dhigo Hotel Grown ee magaalada Hargeysa waxaana halkaas gaaray ciidamada amaanka oo amray dadka in ay kala tagaan bandhigna faneedkiina la joojiyey .

Halgan.net
Hargeysa

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online