Culimo’udiinka Puntland oo ku baaqay in laga hortago Bandhig faneed la doonayo in lagu qabto Garoowe[Dhagayso]

August 6, 2016 - Written by Editor

culimoGaroowe:-Culimo’udiinka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada Puntland gaar ahaan magaalada Garowe ayaa si adag uga digay bandhig faneed la doonayo in lagu qabto magaalada Garoowe arrintaas oo horboodayaan fanaaniin Qurbo joog ah oo dibada laga keenay kuwaas oo lagu casumay xafladii dowladda Puntland ay u qabtay 18 guuradii ka soo wareegtay markii la yagleelay Puntland.

Culimo’udiinka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada Puntland gaar ahaan magaalada Garowe ayaa ku baaqay in la joojiyo bandhig faneedkaas xaaraanta ah iyagoo ugu baaqay bulshada qaybaheed kale duwan in ay si wada jir ah uga hortagaan arrinkaas foosha xun.

Sh. Maxamuud Xaji Yuusuf oo ah gudoomiyaha jaamacadda Bariga Afrika, kana mid ah culimada aadka looga yaqaan deegaanada Puntland iyo guud ahaan dalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay dowladda Puntland, bulshada Garoowe, in ay si deg deg ah u joojiyaan bandhig faneedkaas xaaraanta ah oo diinta wax u dhimaya.

Hoos ka Dhagayso Sh. Maxamuud Xaaji Yuusuf

[audio:https://halgan.net/Mp3/Kahortaga-Bandhig-Faneedka-.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online