Iska horimaad ka dhacay magaalada B/xaawo ee xarunta gobalka Gedo

August 29, 2016 - Written by Editor

gedoBeledxaawo:-Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay, halka ay 10 kalana ku dhaawacmeen iska horimaad culus oo maanta degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ku dhexmaray ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland iyo maleeshiyo deegaanka ah.

Wararka ugu danbeeeyey ee naga soo gaaraya magaalada B/xaawo ayaa sheegaya in dadka ku dhintay dagaalka ay u badan yihiin dhinacyadii ku dagaallamay gudaha magaalada B/xaawo waxaana uu dagaalka salka ku hayaa muran la xiriira isbeddel dhawaan Maamulka J/land uu ku sameeyey maamulka Degmada Beledxaawo.

Wasiirka amniga ee Jubbaland, Cabdirashiid Janan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidankoodu ay weerareen koox uu sheegay in ay isku urursaneysay gudaha magaalada B/xaawo kuwaas oo amni daro ka waday magaalada isaga oo ku faanay in qaar ka mid ah gacanta ku dhigeen kuwa kalana ay baxsadeen .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online