Kismaayo oo laga hirgaliyey hogaanka isgaarsiinta Booliiska Soomaaliyeed.[Masawirro]

August 16, 2016 - Written by Editor

unnamed-81Kismaaayo:-Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo uu wehelinayo Taliyaha Ciidadamada Booliska Soomaaliya Maxamed Sh, Xassan Xaamud ayaa Maanta kormeer ku tagay Saldhiga Ciidamada Booliska Jubbaland ee Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha iyo Taliyaha ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee Saldhiga Magaalada Kismaayo oo hada Talis guud u ah Ciiidamada Booliska Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland iyo Taliyaha ayaa booqday qaybta isgaarsiinta Ciidamada Booliska iyadoo Madaxweynahu uu si toos ah ula hadlay Saldhigyada Ciidamada Booliska ee Muqdisho Baladweyne Jowhar Carmo iyo Baydhabo isagoo ka xog waraystay sida ay saaka ku waabariisteen iyo xaaladaha guud ee Magaaloyinkaas.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam waxaa uu sarakiisha ku sugnaa Saldhigyada kala duwan ee Soomaaliya uu kula dardaarmay in ay laba jibaaran hawlaha Qaran ee ay hayaan isla markana ay ku dadaalan sidii qalabka ay isticmaalayaan uu u noqon lahaa mid xafidan oo aan cadawga u gudbin.

Intaas kadib Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaa ay kormeereen qaybaha Tababarka waaxda dambi barista iyo qaybta mando musiko iyadoo uu Madaxweynahu uu dhamaan warbixino ka dhagaystay Sarakiisha iyo hogaanada kala duwan oo qaybaha Ciidamada Booliska Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ahana Taliyaha guud ee Ciidamada qalabka sida ee Jubbaland wuxuu sheegay in ay muuqato rajo ah in ay soo noqonayso haybadii Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo waliba ku hawlgalaya adeegyo casri ah wuxuuna cusay in ay abuurayso jawi muujinaya in ay soo noqonayso Xasiloonidii Dalka.

Balse Madaxweynahu wuxuu cadeeyay in loo bahan yahay in la xafido dhamaan qalabka Ciidamada gaar ahaan isgaarsiinta oo uu sheegay in hadii cadawga ay u gacan gasho ay tahay dhabar jab weyn loona bahan yahay in masuuliyad la iska saaro.

…………………..DHAMAAD…………………………………..

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online