Machadka Al-Furqaan Ee Laascaanood oo tooban sano jirsaday (Masawiro)

August 17, 2016 - Written by Editor

2Maamulaha Machadka Al-Furqaan Gobolka Sool Sheekh Yuusuf Haybe ayaa maanta ku dhawaaqay Qalin jabiye yaasha sanadkan ka baxaday Macahadka Al-furqaan Laascaanood.

Waxaana sanadkan ka qalin jabiyey arday gaadhaysa 278 arday tirada wiilasha ayaa ah 178 halka gabdhuhu ay yihiin 100 hablood 40 kamida raga waxa ay dhigtaan habeenkii waana dhalinyarada maalinkii shaqaysa iyo guud ahaan dadka aan jaanis helin kuwaas oo noqonaya dufcadii ugu horaysay ee ka qalin jabisa Machadka Al Furqaan.

Machadka ayaa waxa uu marayaa maraxalad aad u wanaagsan waxaana guud ahaan Gobolka sool siwayn looga dareemaa meel kasta oo latago dhalinyaradii ka baxaday waxaana dhalintaas ay kaalin fiican ka qaateen horumarinta barashada diinta.

Waxaana uu maanta jirsaday machadku tobansano waxaana halkaas laga sheegay doorka fiican ee uu qaatay horumarka uu guud ahaan ku soo biiriyey dhulka Soomaaliyeed.

Waxaa maanta indhahaygu qabteen odoyaal qaadanaya shahaadooyin lagudoon siiyey waxana arinkaas aad ugu riyaaqay dadkii ka soo qayb galay.iyo dhainyaro xoogsato ah waxaa kujira kuwo dhigta dugsiyada sare.

Machadkan ayaa waxa uu leeyahay labaataneeyo macaahid ah oo hoosyimaada kuwaas oo u soo gudba ardayda dhamaysa waxaana Guud ahaan kajira Gobolada Sool sanaag iyo Cayn tartan ay muujinayaan dadka deegaanadaas si ay u helaan dad dhisan oo aqoon u leh shareecada Islaamka.

C/Kariim Olol.
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online