Madaxweynaha dawladda Puntland oo kulan casho ah la qaatay Danjiraha dawladda Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya.[Masawiro]

August 4, 2016 - Written by Editor

IMG_3099Muqdisho:-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas oo safar shaqo ku jooga magaalada Muqdisho ayaa caawa 04 August, 2016 kulan casho sharaf ah la qaatay Danjiraha dawladda Isu tagga  Imaaraadta Carabta u fadhiya dalka Soomaaliya Maxamed Al-Cutmaani. Kulanka ayaa Madaxweynaha waxaa  ku wehelinayey guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madax tooyada Puntland, waxaana kulanka cashada lagu qabtay xarunta Safaaradda Imaadka ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha dawladda Puntland iyo danjiraha dawladda Isu tagga Imaaraadka ayaa kulankooda uga wada hadlay xaaladda guud ee dalka Soomaaliya gaar ahaan marxaladda kala guurka ah ee uu dalku ku jiro.

Danjire Maxamed Al-cutmaani ayaa ugu horrayn  Madaxweynaha iyo shacabka  Puntland ugu hambalyeeyey sannad-guuradii 18-aad ee kasoo wareegtey markii aas-aasay Puntland isagoona u rajeeyey in shacabka Puntland in sannadkaan sannadkiisa ay ku gaaraan guul iyo horumar.

Sidoo kale danjiruhu waxa uu  ku ammaanay Madaxweynaha dawladda Puntland dedaalka ay dawladdiisu ugu jirto horumarinta iyo adkaynta nabad gelyada Puntland iyo doorka ay dawladda Puntland ka qaadatay xal u raadinta Soomaaliya.

Ugu dambayn Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa Danjiraha Imaaraadka uga mahadceliyey soo dhoweyntiisa iyo casho sharafta maamuuska huwan ee uu u sameeyey,  waxaana uu hoosta ka xarriiqay in ay muhim tahay in lasii xoojiyo iskaashiga saaxiibtinimo, ganacsi iyo nabad-gelyo ee ka dhexeeya dawladda Isu tagga Imaaraadka Carabta iyo dawladda Puntland.

—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online