Madaxweynaha dawladda Puntland oo kulan la qaatay Taliska Booliska Puntland.[Masawiro]

August 16, 2016 - Written by Editor

IMG_3497Garoowe:-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 16 Agoosto, 2016 Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kulan kula qaatay Kusimaha Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, ku- xigeenkiisa iyo dhammaan taliye qaybeedyada gobollada Puntland.

kulankaan u dhexeeyey Madaxweynaha iyo saraakiisha ciidanka Booliska ayaa daarranaa sidii looga wada tashan lahaa amniga gudaha Puntland,  si looga gaashaanto damaca dhagar qabayaashu ay la doonaayaan in ay ku- waxyeelleeyaan amniga iyo xasilloonida ka jirta magaalooyinka Puntland.

Taliye qaybeedyada sagaalka gobol ee Puntland oo kulankaan goob joog ka ahaa ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey tallaabooyinka horumarineed ee u qabsoomay iyo caqabadaha kala duwan ee ay la kulmaan xilliyada ay hawl-gallada ammaanka lagu sugayo ka wadaan gudaha magaalooyinka Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa Taliyaha ciidanka Booliska iyo dhammaan taliye qaybeedyada ku ammaanay shaqada wanaagsan ee ay bulshada u hayaan, waxaana uu  ku boorriyey Madaxweynuhu in ay sii dardar-geliyaan shaqooyinkaasi  si uu shacabka Puntland ugu sii noolaado nabad-gelyo iyo dawladnimo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale saraakiishaan ku maray in ay si dhab ah ula shaqayeena maamullada Degmooyinka iyo gobollada ay ka hawl galaan si loo xaqiijiyo bixinta  canshuuraha  iyo hirgelinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada, isla markaana ay  tallaabo sharci ah ka qaadaan  cid walba oo ay kala kulmaan musuq-maasuq iyo wax isdabo marin.

Ugu dambayn Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa  bogaadiyey hawl-gallada lagu xaqiijinayo  nabad-gelyada ee ay ciidamada PSF iyo kuwa DANAB oo iskaashanaya ay ka wadaan magaalada Gaalkacyo isla markaana ay kusoo qabteen shaqsiyaad ka mid ah dhaqar qabayaasha al-shaabab ee xalaashaday dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADATOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

 

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online