Madaxweynaha dawladda Puntland oo Muqdisho kaga qayb galay shirka Madasha wadatashiga Qaran.[Masawiro]

August 3, 2016 - Written by Editor

IMG_3002-640x426Muqdisho:-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigii uu hoggaaminayey ee shalay soo gaarey magaalada Muqdisho ayaa maanta 3 August, 2016 Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya  kaga qayb galay shirkii Madasha hoggaamiyayaasha Qaranka oo maanta furmay.

Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul-wasaaraha dawladda Federaalka, Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka, guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Madaxweynaha dawlad-goboleedka Jubbaland, Madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed iyo Madaxweyne ku-xigeenka maamulka kumeel-gaarka ah ee Galmudug.

Dhinaca Puntland waxaa shirka Madaxweynaha ku wehelinayey guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland Cabdixamiid Sh. Cabdisalaam, Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.

Ujeedada shirkaan ayaa ahayd sidii loo dhammaystiri lahaa hawlaha qabyada ah ee la xiriira doorashooyinka iyadoo la ilaalinayo waqtiga yare e ka dhiman xilliga doorashooyinka iyo dejinta jadwalka hannaanka doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxtooyada iyo hawl-gelinta guddiyada doorashooyinka heer Federaal iyo heer dawlad goboleed.

Shirkaasi oo ahaa labo qaybood ayaa waxaa wejiga koowaad kulmay Madaxda dawladda Federaalka iyo  dawladaha xubnaha ka ah iyo guddiga doorashooyinka heer Federaal oo markii ugu horraysey kasoo qayb galay shirka Madasha isla markaana kasoo jeediyey warbixino la xiriira hawlohooda shaqo iyo qorsheyaasha u degsan.

Halka wejigii labaad ee shirkana ya kusoo biireen wakiillo ka kala socdey Beesha caalamka, iyadoona ay madasha iyo beesha caalamku  ka wada hadleen  diyaarinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona iyo dhammaystirka  hawlaha dhiman ee  ay beesha caalamku qaybta ka ahayd.

Shirka ayaa socon doona labada maalmood ee soo socda waxaana si qoto dheer loogu lafo guri doonaa dhammaan arrimaha la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka iyo qorshe hawleedka guddiyada doorashooyinka.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online