Madaxweynaha dawladda Puntland oo Muqdisho kulamo kula qaatay Safiirada Turkiga iyo Ingiriiska.[Masawiro]

August 6, 2016 - Written by Editor

IMG_3125Muqdisho:-Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo oo muhim ah u jooga magaalada Muqdisho ayaa maanta 06 August, 2016 Safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho  kulan kula qaatay danjiraha dawladda Turkiga u fadhiya dalka Soomaaliya Ambassador  Olgan Bakar.

Kulanka  ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey Agaasimaha guud ee Madaxtooyada  Puntland Deeq Saleebaan Yuusuf iyo saraakiil Katirsan Madaxtooyada dawladda Puntland, iyadoona kulanka diiradda lagu saaray arrimo la xiriira marxaladda cusub ee uu ku jiro Dalka Soomaaliya iyo mashaariicda ay dawladda Turkigu ka fuliso Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo danjiraha ayaa  waxa ay si qoto dheer uga wada hadleen Mashaariicda horumarineed ee ay dawladda Turkigu ka wado Dalka Soomaaliya iyo sidii Puntland loo gaarsiin Lahaa qaybteeda Maadaama Puntland ay tahay qayb weyn oo Soomaaliya ka mid ah, sidoo kale Madaxweyunuhu waxa uu kala hadlay danjiraha sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen xaaladda abaareed ee ka jirta Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland ay safaaradda Ingiriiska ee magaalada Muqdisho kulan kula qaatay kusimaha danjiraha dawladda Ingiriiska u fadhiya Dalka Soomaaliya Andrew Allen.

Kulankaan ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii ay dawladda Ingiriisku kaalmo uga geysan lahayd baaraha ka jira Puntland, kuwaas oo sii xoogaysanaya Maadaama ay jiraan gobollo ka mid ah Puntland oo aan helin gugii iyo dayrtii midna.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa muddadii uu joogey Muqdishowaxa uu kulamo kala duwan la qaatay qaybo ka mid ah safaaradaha dawladaha caalamka ee xarumaha ku leh magaalada muqdisho, waxaan uu kala hadlay sidii ay mashaariicda ay somaaliya ka hirgeliyaan ay Puntland qaybteeda si toos ah u gaarsiin lahaayeen iyo sidii qayb uga qaadan lahaayeen abaaraha ka jira Puntland.

—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA,HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online