Madaxweynaha DFS oo Nairobi kaga qeyb galaya Shir Madaxeedka 6-aad Iskaashiga Afrika iyo Japan (TICAD)

August 26, 2016 - Written by Editor

IB0A9357-640x427Nairobi:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Sh.Maxamuud iyo wafdi uu hoggaami nayo ayaa gaarey magaalada Nairobi ee dalka Kenya, oo uu kaga qeybgalayo Shir Madaxeedka 6-aad ee waddamada Afrika iyo Japan ee TICAD (Tokyo International Cooperation with Africa Development).

Dowladda Japan ayaa shirkii ugu horeeyay ee TICAD waxay ku qabatey magaalada Tokyo, sannadkii 1993-kii, waxaana ujeeddadiisu ay ahayd kobcinta horumarka Afrika, nabadda iyo amniga, iyadoo diiradda la saarayo xoojinta xiriirka labada dhinac, iskaashiga iyo wax wadaqabsiga.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalaya dhammaan madaxda Afrika iyo Japan, waxaana labada maalmood ee uu socdo diiradda lagu saari doonaa maalgashiga Afrika, fursadaha ganacsi ee labada dhinac dhexmaraya iyo ka faa’ideysiga kheyraadka labada dhinac Soomaaliya ayaa horey uga qeybgashey shirkii TICAD ee 2013-kii, waxaana sannadkan la filayaa in Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay kulamo gaar ah la yeeshaan madaxda Japan iyo kuwa kale ee qaaradda Afrika ka socda.

Waa markii ugu horeysay ee shirkan lagu qabto qaaradda Afrika, iyadoo shirkii kan ka horeeyay ee ka dhacay magaalada Tokyo lagu heshiiyey in shir madaxeedka TICAD martigelintiisa ay is weydaarsadaan dalalka Afrika iyo Japan. Dalka Japan ayaa ka mid ah dalalka iskaashiga dhow la leh qaaradda Afrika, waxaana uu dhowaanahan xoojiyey xiriirka iyo iskaashiga kala dhexeeya qaaradda.

—————-DHAMMAAD—————-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online