Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo gaaray Baraawe.

August 28, 2016 - Written by Editor

baraweBaraawe:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in wafdi uu horkacayo Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ay gaareen Degmada Baraawe oo ah xarunta maamulka Koofur Galbeed.

Ujeedada Socdaalka Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa lagu sheegay inuu xariga ka jarayo xarunta Madaxtooyada Maamulka Koofur Galbeed ee dhowaan laga hirgashay Degmada Baraawe.

Ciidanka maamulka Koofur Galbeed iyo kuwa AMISOM ayaa aad u adkeeyey amaanka Degmada Baraawe waxaana Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu kulamo goonigooni ah la yeelan doonaa odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa waxaa la filayaa in uu dhawaan u soo guuro Degmada Baraawe ee gobalka Sh /Hoose si uu halkaas uga sii ambaqaado howlaha horyaal Maamulka .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online