Musharax Dr.Siciid Cabdullaahi Deni oo dhagax dhigay Wadada Laamiga ah ee dhexmarta Magaalada Qardho.[Masawiro]

August 8, 2016 - Written by Editor

Dhagax_Dhig_Laamiga_Qardho_Musharax_Deni-5-740x493Qardho:-Musharaxa Dr.Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhagax dhigay isla markaana dayactir lagu sameenayo Wadada laamiga ah ee dhexmarta Magaalada Qardho oo ka bur-burtay dhinacyada iyo bartamaha laamiga waxaana ka qodmay godod ay dhib ku qabaan Gaadiidka isticmaalo laamiga oo Muhiim u ah isku xirka Gobollada Puntland.

Dr.Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in wadadan ay tahay Halbowlaha Dhaqaalaha Puntland hadii aan laga taxadirin oo aan la dayactirina ay keeni karto in Ganacsiga uu hakad galyo.

”Wadadan waa Howlbowlha Ganacsiga Puntland waa Muhiim in dib loo dayactiro meelaha ay ka burburtay,haddii la fiirsado waxa ay keeneysaa in Laamiga jarmo taasna Gaadiidka iyo isku socodka dhib ayee ku tahay,Aniga waan ku dadaalayaa sidii loo dhisilahaa Wadooyinka Dalka,
Haddii wadooyinka la hagaajiyo waxbadan ayaa fududaanayaa,waxaana Maamulka Degmada kaga Mahadcelinayaa dadaalada ay wadaan ee ku aadan Dhismaha Wadooyinka Qardho”ayuu yiri Musharax Deni.

Gudoomiyaha Degmada Qardho Cabdi Siciid Dheere oo ka hadlay Dhagax dhigga Dib u dayactirka Wadda laamiga ee ka soo bilaabaneyso Garoonka Diyaaradda Qardho illaa  koontaroolka koonfureed ee Magaalada ayaa sheegay in Qorshahaan ay wado Dowladda Hoose Qardho,waxa uuna qeyb ka yahay Hormarinta Wadooyinka Degmada”Maanta aad ayaa ugu faraxsanahay in Musharax Deni uu noo dhagax dhigo waddadaan muhiimka ah ee dhexmarta Degmada,Waddadaan waxa ay qeyb ka tahay Wadooyinka loo dhisayo Qardho, Musharaxa Degmada waxbadan ayuu wax u qabtay hadana waxaa ka rajeeneynaa in waxbadan uu u sii qaban doono”ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada.

Musharax Dr.Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wax badan ka qabtay Arimaha Waxbarashada, Caafimaadka,waxaana si weyn looga taageeray Puntladn,waxa uuna safar ku maray Magaalooyinka Bosaso,Carmo,Waaciye,Qardho,Dangoronyo iyo Garoowe.

Wariye Cabdiraxmaan Black

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online