Mutamar Islaami ah oo ay soo qabanqaabisay Mu’ssadda Irshaad oo ka dhici doona dalka Ingriiska

August 16, 2016 - Written by Editor

IMG-20160815-WA0026London:-Waxaan 28.08.16  ka dhici doona magaalada London Mutamar Islaami ah oo ay ka qayb geli doonaa culimo Soomaaliyeed ayna soo qaban qaabisay Mu’ssadda Irshaad, oo ah Mu’ssaso ka shaqaysa dacwada iyo kheyrka waxaan ay xiriir iyo wada shaqayn la leedahay inta badan Masaajidda ku yaal dalka Ingriiska.

Sanadkaan ayaa waxaa culimadu waxaa ay ka hadli doonaa  ” Wadada guusha ee Qoska Qurbah” oo ah muwduuc aad muhiim ugu ah bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Qurbaha gaar ahaan dalka Ingriiska oo ay ku nool yihiin dad badn oo soomaali ah.

Mutamarkaan Islaamiga ah ayaa waxaa ay culimadu ka jeedin doonaa muxaadaraad kale duwan waxaan culimada ka soo qaybgasha Mutamarka ay muxaadaraad ka jeedin doonaa masaajidda ku yaal magaalooyinka kale duwan ee ku yaal dalka Ingriiska si ay bulshada Soomaaliyeed uga faa’iidaystaan cilmiga culimada.

Hoos ka eeg Iclaanka culimada ka soo qayb galaysa Mutamarka Islaamiga ah ee ka dhacaya dalka Ingriiska

Ma ah markii ugu horaysay oo ay Mu’ssadda Irshaad iyo howl wadeenadoodu ay soo casumaan culimo Soomaaliyeed oo ka qayb gala Mutamarka Islaamiga ah ee sanadkiiba mar lagu qabto dalka Ingriiska  culimadaas  oo ka kala yimaada dalka Soomaaliya gudahiisa iyo dibadiisa.

Culimada sanadkaan lagu casumay Mutamarka Islaamiga ah ee Mu’ssadda Irshaad ay soo qaban qaabisay ayaa waxaa ka mid ah:-

  1. Sh Cabdiraxmaan Abyad
  2. Sh Maxamed Idirs
  3. Sh Mustafe Xaaji Ismail
  4. Sh Maxamuud Sh Xassan Abu Dalxa
  5. Sh Dr Cabdirzaaq Takar
  6. Sh Dr Cismaan Cali

 

Wixii faahfaahin ah kala xiriir

Tel.02077003733

Tel. 07985127062

Mu’ssadda Al-irshaad

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online