Puntland oo ka Tacsiyeysay Geerida Sarreeye Guud Maxamed Cali Samatar

August 20, 2016 - Written by Editor

samatarMadaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Cabdillaahi Xaaji Cumar Camey, Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi iyo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland Sarreeye Guud Siciid Maxamed Xirsi ayaa maanta si wada jir uga Tacsiyeeyey geeridii gaxdinta lahayd ee ku timi Marxuum Sarreeye Guud Maxamed Cali Samatar oo xilal sare oo kala duwan kasoo qaybtay dawladdii dhexe ee Soomaaliyeed.

Kusimaha Madaxweynaha, guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Taliyaha ciidanka daraawiishta ayaa si isku mid ah uga hadlayey taariikhdii marxuumka waxaana ay tilmaameen in uu ahaa xubin muhiim ah oo ka baxday ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne ku-xigeenka ahna Kusimaha Madaxweynaha ayaa ugu dambayn Tacsi Tiiraanyo leh u diray Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, ciidanka qalabka-sida ee Soomaaliyeed iyo guud ahaan Ummadda Soomeeliyeed ee uu ka baxay marxuumku, isagoona Eebbe uga baryey in uu ka waraabiyo Naxariistii Janno.

“Innaa lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun, waxaan maanta halkaan Tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa Qoyskii, Eheladii, Asxaabtii, Saraakiisha ciidanka Qalabka-sida iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuum Maxamed Cali Samatar oo xalay ku geeriyoodey dalka Maraykanka, waxaanan Eebbe uga rajeynayaa in uu Jannada Fardawsa ka waraabiyo,” ayuu yiri ku-simaha Madaxweynaha dawladda PUntland Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey.

Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online