Ra’iisul Wasaaraha DFS oo Cambaareeyey Qaraxii Hotel SYL ee Muqdisho

August 30, 2016 - Written by Editor

sharmaarkeMoqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa si kulul u cambaareeyey qaraxii maanta ka dhacay meel u dhow albabaabka hore ee madaxtooyada iyo Hotel ka SYL oo ay ku dhinteen dad isugu jira Shacab iyo Ciidamo ka tirsan Dawladda kuna dhawacmeen tiro kale.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa ugu horeyn Cambaareyn u soo jeediyay Kooxihii ka dambeeyay weerarkaas isagoona sheegay in arrintaas ayan la yaab ku ahayn kuwii hore falkaas u samayn jirayna ay ka danbeeyeen Weerarkaas. Ra’iisul wasaaraha ayaa tacsi u direy qoyskii iyo ehelkii ay ka geeriyoodeen askartii iyo shacabkii naftooda ku waayay ee halkaa ku dhintay isagoona Ilaah uga baryay kuwa ku dhaawacmayna inuu Caafimaad.

” Anagoo si adag uga shaqaynayna arrimaha amniga iyo xasilinta , si loo helo mustaqbal wanaagsan, ayaa Argagixiso taas badalkeeda ku howlan yihiin sidii ay u qaadi lahaayeen weeraro fulaynimo ah oo ay waxyeelo ugu gaysanayaaan dadka shacabka ah” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Cumar oo intaas ku daray in kooxda Alshabaab ay maleegayaan sidii ay u fulin lahaayeen awaamiir laga soo minguuriyey dalka dibeddiisa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey Ciidamadda Amniga oo is hortaag ku sameeyey, kana hor tagay in cadowgu si fudud ku soo gaaro bartilmaameedkooda.

“Weerarkii maanta iyo kuwii ka horeeyey ee cadowgu ka sameeyey dalka waxay ahaayeen falal fuleynimo ah oo ay sameyeen kuwa isku qarinaya tafsiir khaldan oo ay ka bixinayaan Diinta Islaamka. Waxaan u sheegaynaa kooxaha nabad-diidka ah in ciidanka qaranka mar walba iyo meel walba uu diyaar ugu yahay sidii uu damaciinna gurracan u horistaagilahaa”.

—DHAMMAAD—-

Prime Minister’s Media Office
Mogadishu Somalia

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online