Shir lagu sheegay wadatashi Qaran oo Madaxda Soomaalida uga furmay Muqdisho.[Cod/Masawiro]

August 3, 2016 - Written by Editor

IB0A2472-1024x683Muqdisho:- Waxaa ka furmay magaalada Muqdisho shirka wada tashi ah oo looga arrinsanayo qaabka ay doorashada 2016 ay u dhici karto, waxaana ku sugan magaalada Muqdisho dhamaan madaxada maamul gobaleedyada dalka.  Shirka wadatashiga madaxada Soomaaliya ayaa waxaa furay madax weynaha DFS Xasan Sh Maxamuud waxaan shirkaan oo lagu sheegay mid wada tashi hagaya safiiro shisheeyey oo ku sugan Muqdisho maadaama madaxda Soomalidu aysan wax kalsooni ah ka dhex jirin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxda ay labada cisho ee soo socota kulamo yeelan doonaan si ay u ansixiyaan iskuguna raacaan go’aan ay horay ugu yeereen beesha caalamka balse ay shacabka Soomaalida ay u tusayaan in ay si wada jir ah u wada gaareen.

Beesha Caalamka ayaa dadka shacabka ah waxaa ay u bixiyeen beesha 5aad oo iyagu garwadeen ka ah shirarka ka socda Muqdisho iyo Soomaaliyaba oo ay ku baxayaan lacag fara badan ayaa waxaa ay doonayaan in shirarka noocan ah oo kale ah ay fara bataan si xubnaha beesha caalamka ee ku suga gudaha Soomaaliya ay shaqooyin dheeraad ah ugu helaan magac Soomaalida oo u muuqda dal madaxdoodu ay baylihiyeen jiritaankii dalka iy wada jirkii umada Soomaaliyeed.

Wasiir Dowlaha Madaxtooyada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad oo la haday Warbaahinta ayaa waxaa uu ka hadlay qodobada rasmiga ah ee shirka looga hadlayo iyo mudadad uu soconayo waxaan kale oo uu sheegay in beesha caalamka ay qayb ka tahay shirka.

Hoos ka Dhagayso Wasiir Dowlaha Madaxtooyada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad

[audio: https://halgan.net/Mp3/Wasiirmahad.mp3]

Halkaan ka Dhagayso

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online