Shirka golaha wasiirada Jubbaland oo oo qodobo ay ka soo baxeen

August 11, 2016 - Written by Editor

unnamed-5Kismaayo:-Shirka Golaha wasiirada Dowlad goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya oo uu maanta shir Gudoominayay Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta ka qabsoomay Gurigga Nabadda ee Magaalada Kismaayo. Kulanka waxaa ka qayb galay Madaxweyne ku xigeenka labaad iyo inta badan Xubnaha Gollaha Wasiirada. Ajandayaal kala duwan ayaa lagaga hadlay kulanka Khamiislaha ah ee Xukuumada waxaana ka mid ahaa.

Wasaarada Cadaalada oo soo jeedisay in dayactir iyo qalabaynba lagu sameeyo Xafiisyada Wasaarada iyo in dib ay hawlhooda u bilaaban Maxkamadaha oo aan shaqaynin wixii ka danbeeyay Bishii Ramadaanka iyo in la baneeyo dhul loo dhisayo Maxkamadaha Dowlada si ay u helaan goobo ku haboon shaqadooda.

Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyaynta ayaa soo jeedisay Warbixin  ku saabsan dhulka Dowlada iyo Dhulalka Ajaanibta oo ay Dowladu Masuul ka tahay waxaa kale oo Wasaaradu ay soo gudbisay in go’aan laga gaadho soo jeedintii hore ee ahayd in la sharciyeeyo Afar xero oo Dowladu ay leedahay balse dad shacab ah ay dagan yihiin Xeryahaas oo kal hore lasoo jeediyay in Dowladu ay dadka dagan u sharciyayso.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa soo jeedisay in xal laga gaaro Mushkiladaha iskuulada Dowlada.

Wasaaradu waxaa ay shaacisay in uusan jirin iskuul kamid ah kuwa Dowlada oo si toos ah u hoostaga Wasaarada iyo kala qaybsanan dhinaca manhajka ah oo ka jirta iskuulada waxaa kale oo oo Wasaaradu ay soo jeedisay in ay lagama maarmaan tahay in iskuulada la hoos geeyo Wasaarada oo ay Maamulkooda la wareegto.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ku booriyay in Wasaaradahu ay ku dadaalan dardar galinta shaqada Wasaaradaha iyo u Adeegsita Bulshada.

………………DHAMAAAD…………………….
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA EE DOWLAD GOBOLEEDKA JUBBALAND EE SOOMAALIYA.

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online