Wasiirka arrimaha dibadda DFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjire Stephen M. Schwartz

August 9, 2016 - Written by Editor

danjireMuqdisho:-Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa u sharaf ah inay soo dhoweyso Danjire Stephen M. Schwartz oo ah Safiirka cusub ee Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya .
Danjire Stephen M. Schwartz waa Safiirkii ugu horeeyay ee Mareykan ah tan iyo 1991 ee loo soo magacaabo Soomaaliya.

Magacaabistiisa waxa ay cadeyn u tahay xiriirka xoogan ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka . sidoo kale waxa ay tilmaan cad u tahay in Soomaaliya ay u jiheysatay dhanka deganaanshaha iyo horumarka .

Soomaaliya iyo Mareykanka waxaa ka dhaxeeya xiriir laba geesood taariikhi ah. Xukuumadda iyo Shacabka Soomaaliyeed waxa ay u arkaan Xukuumadda iyo Shacabka Mareykanka saaxiib dhab ah iyo isbaheysi garab istaagay Soomaaliya intii lagu guda jiray waqtiyadii adkaa ee laga soo gudbay .

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay ku howlan tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee kala dhaxeeya Mareykanka .

Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada
Section of Press and Public Relations

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online