Xubno ka tirsanaa Al-shabaab iyo Daacish oo lagu soo bandhigay Bosaaso.[Masawiro]

August 20, 2016 - Written by Editor

IMG_8239Boosaaso:-Taliska Ciidanka amniga ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay maanta u soo bandhigeen 3 dhalinyaro ah oo ay ku sheegeen in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab iyo Daacish kuwaas oo ay ciidanka Booliska Boosaaso ay qaarkood ku qabteen goob kala duwan.

Axmed Aadan Cabdulaahi Aw-Cabdi oo looga yaqaan  gudaha ururka Al-shabaab Shaafici oo la hadlay saxaafadda  ayaa sheegay in uu ka tirsanaa Al-shabaab mudo 4 sano ah uuna tababar ku qaatay Buuraha Calmadow ee gobolka Bari , Axmed Aadan ayaa xusay in markii danbe oo ay kala jabeen xubnihii Al-shabaab oo qaar ay ku biireen Daacish uu noqday xubin ka mid ururka Daacish.

Axmed Aadan Cabdulaahi Aw-Cabdi ayaa sidoo kale sheegay in markii ay ciidanka Booliska Boosaaso ay qabanayeen uu marayey Kontroolka magaalada Boosaaso ka dibna ay ciidanku ku xireen saldhiga Boosaaso maantana loo soo badhigay warbaahinta.

Shaqsiga 2aad ee warbaahinta loo soo bandhigay ayaa magaciisa lagu sheegay Muuse Aadan Maxamed (Gaal-dile) oo siddii uu sheegay ahaa Sarkaal ka tirsanaa ururka Al-shabaab ee Koonfurta Soomaaliya mudo dhan 7 sano ay ciidanku qabteen xili uu doonayey in uu ka dhoofo garoonka diyaaradaha ee Boosaaso.

Shaqsiga 3aad ee loo soo bandhigay warbaahinta ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdulaahi Ibraahim oo sheegay in uu ka soo goostay ururka Al-shabaab mudo dhan 15 cisho ah isagoona qiray in uu ka mid ahaa Al-shabaab ee ka dagaalami jiray Buuraha Calmadow ee Gobolka Sanaag.

Saddexdaan dhalinyarada ah ee loo soo bandhiga saxaafadda ayaa  dhamaantood qiray in ay ka kala mid ahaayeen ururka Al-shabaab iyo Daacish waxaan ay ka gaabsadeen in ay wax ka sheegaan ururka Al-shabaab , dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland iyagoo u baqay amnigooda.

Gudoomiyaha Gobolka Bari Yusuf Maxamed Wacays oo isagana la hadlay saxaafadda ayaa xusay in dhalin yaradaan  aan ka soo bixin ururka Al-shabaab haddii la qabto sharciga lala tiigsan doono balse dhalinyarada ka soo baxa ama isa soo dhiiba si wanaagsan loola dhaqmi doono.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online