Baydhabo Janaay oo si weyn looga ciiday iyo Madaxweyne Shariif Xasan ka qeyb galay (Masawiro).

September 12, 2016 - Written by Editor

2Baydhabo:-Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay ayaa maanta si weyn looga ciiday waxaana munaasabada ciida Adxaa ka soo qeyb galay Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo masuuliin kale oo ka tirsan Maamulka K/ Galbeed.

Munaasabadda ciida Adxaa ayaa waxaa ay ka dhacday Garoonka kuba cagta ee Ayuub waxaana si weyn u soo camiray dadweynaha ku dhaqan magaalada Baydhabo .

Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan oo la hadlay dadweynaha ayaa hambalyo u diray umada Muslimiinta oo dhan iyo gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed isagoo ugu baaqay in ay is cafiyaan isuna tanaasulaan.

Madaxweynaha K/Galbeed ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool deegaanada Koofur Galbeed, in ay taageeraan howlgalada ka ka socda deegaanada K/galbeed iyo amaanka.

Ciidanka amaanka ee Maamulka Koofur Galbeed ayaa si weyn u sugayey amaanka waxaana shacabka Baydhabo ka muuqday farxad iyo reynreyn.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online