Gudoomiyaha Gobolka Bari Yusuf Maxamed Waceys Dhedo oo raali gelin siiyey culimada Gobolka Bari.[Dhagayso]

September 12, 2016 - Written by Editor

img_9321Boosaaso:-Waxaa maanta si weyn looga ciiday magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxaana salaadii ciida lagu tukaday Garoonka Kubada cagta Boosaaso. Masuuliyiin ka tirsan dowladda Puntland ayaa dadweynaha kula tukaday Garoonka Kubada cagta Bosaaso waxaana ka mid ahaa masuuliintaas Gudoomiyaha Gobolka Bari Yusuf Maxamed Waceys Dhedo iyo Duqa degmada Bosaaso.

Salaadii Ciidul Adxaa ka dib ayaa waxaa waxaa khudbado kala duwan ka jeediyey khudbadii ciida ka dib Gudoomiyaha Gobolka Bari Yusuf Maxamed Waceys Dhedo,isagoo ugu baaqay shacabka in ay la shaqeeyaan ciidanka amaanka si loo sugo nabadgelyada. Gudoomiyaha Gobolka Bari Yusuf Maxamed Waceys Dhedo ayaa soo hadal qaaday  hadal meel ka dhac ah oo uu u jeediyey culimada Boosaaso waxaan uu dadweynihi soo tukada salaada ciida uu ka hor sheegay in culimada uu la hadlay ayna is cafiyeen.

Gudoomiyaha Gobolka Bari Yusuf Maxamed Waceys Dhedo ayaa xusay in culimada Boosaso ay yihiin culimadiisii ayna soo wada shaqeeyeen ayna dowr lixaad leh ka geysteen howlaha samafalka ayna shacabku ay aad ugu kalsoon yihiin wax badan oo wax tar u ah bulshadana ay ku soo kordhiyeen.

Gudoomiyaha Gobolka Bari Yusuf Maxamed Waceys ayaa sheegay ayaa reer Boosaaso ugu baaqay in laga qayb qaato howlaha lagu horumarinayo bilicida magaalada Bosaaso gaar ahaan wadooyinka isagoo sheegay in maamulka Gobolka Bari ay dhawaan burburin doonaa guriyo sharci daro ah oo ay ugu horayso Waqda Qaadka iyo goobo kale.

Hoos ka Dhagayso Gudoomiyaha Gobolka Bari Yusuf Maxamed Waceys Dhedo oo raali gelin siiyey culimada Gobolka Bari.

Halkaan ka Dhagayso Mp3

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online