Jeneral Maxamed Rooble Jimcaale Goobaale oo Muqdisho lagu Aasay

September 19, 2016 - Written by Editor

aasJeneral Maxamed Rooble Jimcaale Goobaale oo shalay lagu dilay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayaa maanta isla magaaladaas lagu aasay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley tukashada salaadda jannaasada ee marxuumka.

Tukashada salaadda jannaasada ee marxuum S/Guuto Goobaale, ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgaley Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, xubno ka tirsan labada gole, madaxda maamullada Galmudug iyo Koonfuur Galbeed, saraakiisha Ciidanka Qalabka Sida, iyo xubno ka tirsan qoyska marxuumka.

Madaxweynaha oo hadal kooban jeediyay tukashada salaadda kadib ayaa sheegay “in marxuumka uu ahaa geesi ka wada dhintey shacabka Soomaaliyeed, naftiisana u huray inuu cadowga ka dul kiciyo dadka iyo dalka.”

Weerarkii lagu dilay Goobaale ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay lix ka mid ahaa ilaalada marxuumka oo sida la sheegay la saarraa baabuurka uu watay.

VOA Somalia
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online