Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Gaas oo laga sugayo magaalada Garoowe.

September 15, 2016 - Written by Editor

gaas-1Garoowe:-Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saaka ku soo wajahan magaalada Garoowe ka dib mudo dhan 2 usbuuc oo ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho oo uu ka socday shirka madasha wada tashiga.

Wafdiga Madaxweyne Dr.Gaas ayaa warar soo baxay shalay waxaa ay sheegayeen in uu ka baaqday safar uu shalay ku tegi lahaa magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ka dib markii u soo gabagaboobay shirkii wadatashiga ee hogaamiyaasha Maamulada iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qabanqaabada lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha dowladda Puntland Dr C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu hogaaminayo ayaa waxaa ay ka socotaa magaalada Garoowe waxaan la filayaa in uu saxaafadda uu uga waramo go’aamadii ka soo baxay shirkii Madasha wadatashiga iyo shirkii Madaxda IGAD ee lagu qabtay magaalada Muqdisho.

M_M_Deeq
Halga.net

Leave a comment

*

Archives
September 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online