Madaxweynaha Puntland oo Garoowe ka dhagax dhigaya dhismeyaal Muhiim ah (Masawiro)

September 25, 2016 - Written by Editor

img_8239Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 25 September, 2016 dhagax dhigay dhisme cusub oo ay yeelan doonto Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland, dhismahaas oo ka mid noqon doona dhismayaasha casriga ah ee ay u wareegeen inta badan Wasaaradaha dawladda Puntland.

Munaasabadda dhagax dhiggaan cusub ee wasaaradda ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dr. Abshir Yuusuf Ciise, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha Guud iyo saraakiil kale oo ka tirsan wasaaraddaasi.

Madaxweynaha dawladda Puntland oo munaasabadda dhagax dhigga hadal ka jeediyey ayaa ku ammaanay Wasaaradda Wax-barashada iyo tacliinta sare dedaalka ay ugu jirto dar-dar gelinta adeegyada ay bulshada siiso iyo kor u qaadidda tayada aqoonta waxbarashada Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynuha ayaa waxa uu tilmaamay in dhismahaan cusubi uu waxbadan ka kaabi doono Wasaaradda iyo habsami u socodka shaqada baaxadda leh ee ay wasaaraddu bulshada u hayso isla markaana waxa uu fududayn doona helitaanka adeegyo badan oo muhiim u ah waxbarashada.

Sidoo kale Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhagax dhigay dhisme cusub oo ay yeelan doonto Jaamacadda Boosaaso faraceeda Garoowe, dhismahaas oo noqon doona mid wax-badan ka beddeli doona baahiyaha Jaamacaddaasi.

Munaasabadda dhagax dhigga Jaamacada ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirka Waxbarashada, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda waxbarashada, Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi, Maamulka iyo Macallimiinta Jaamacadda Boosaaso Faraceeda Garowe.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Jaamacadda Boosaaso horumarka baaxadda leh ee samaysay isla markaana waxa uu urajeeyey in ay noqon doonto jaamacad wax-badan ka beddeli doonta casriyeynta waxbarasha Puntland.

Ugu dambayn Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dar-daarmay maamulka iyo barayaasha Jaamacadda Boosaaso in ay xil iska saaraan tayada aqoonta ee Jaamacadda si ay uga soo baxaan aqoonyahano waxbadan ka beddela mustaqbalka waddanka isla markaana noqda masuuliyiinta berrito.

—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
September 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online