Madaxweynaha Puntland oo ku baaqay in laga qayb qaato Dhismaha Isbitaalka Gaalkacyo.[Dhagayso]

September 4, 2016 - Written by Editor

IMG_4971Gaalkacyo:-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta  04 September, 2016 baaq  ku saabsan wax ka qabashada dhibaatadii ka dhalatay qaraxyadii dhowaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo u diray guud ahaan ummada Soomaaliyee gaar ahaan shaabweynaha reer Puntland.

Madaxweynha oo warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay in dawladda Puntland ay diyaar u tahay in ay  kaalinteeda buuxiso, balse  shacabka Puntland looga baahan yahay in iyagoo isku tashanaya ay si wada jir ah meel uga soo wada jeestaan  isla markaana ay u guntadaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen dhibaatadaasi.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in dhibaatada ugu weyni ay saamaysay cusbitalka guud ee magaalada Gaalkacyo, kaas oo halbowle u ah guud ahaan dalka Soomaaliya iyo dalalka Deriska ah isla markaana loo baahan yahay in si gaar ah looga hawl galo.

“Cusbitalka waxaa soo gaarey burbur aad u weyn, sidaa awgeed waxaanu rabnaa in dadka reer Puntland meel walba oo ay joogaan in ay arrintaa u kacaan, ayna ku dedaalaan sidii aynu isaga kaashan lahaayeen cusbitalka dhismihiisa, ma sugi karo cusbitalku waqti badan, waa in uu deg-deg u hawl galaa”ayuu yiri Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali.

Dhinaca kale Madaxweynuhu waxa uu ugu baaqay qurbe joogta Puntland in ay gacan weyn ka geystaan dedaalada loogu jiro wax ka qabashada dhibaada dhalisay burburka dhaqaale ee ka dhacaday magaalada Gaalkacyo iyo sidoo kale ka qayb qaadashada dhismaha cusbitalka guud ee degmada Gaalkacyo.

“qurbe joogta waxaan leeyahay dhalliil baad meel walba la joogtaan, haddii aad wax qabanaysaan maanta ayuu dalkiinu idiinku baahi badan yahay, qof waliba waxa uu maanta u taro iyo waxa uu u qabto Puntland ayaa lagu xisaabin doonaa laguna qiimayn doonaa hadhow” Ayuu yiri Madaxweyne Dr. Cabdiweli.

Ugu dambay, Madaxweynuhu waxa uu uga mahadceliyey jaaliyadda reer Puntland ee ku dhaqan waddanka Denmark oo ka qayb qaatay wax ka qabashada dhibaatadii dhowaan ka dhacday magaalada Gaalkacyo.

Halkaan ka Dhagayso Mp3

—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

Warning: Undefined variable $user_ID in /customers/7/9/5/halgan.net/httpd.www/halgan/wp-content/themes/hg/comments.php on line 61

*

Archives
September 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online