Magaalada Stockholm ee xarunta dalka Sweden oo si weyn looga ciiday (Masawiro)

September 12, 2016 - Written by Editor

12Stockholm:-Waxaa si weyn looga ciiday magaalada Stockholm ee Caasimada dalka Sweden waxaana Khudbadii Ciida akhriyey Sheekh Dr Haaruun Sheekh Xasan .

Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Sweden gaar ahaan magaalada Stockholm ayaa si weyn saaka u ciiday waxaana wajiyadooda ka muuqday farxad .

Sheekh Dr Haaruun Sheekh Xasan ayaa Khudbadii ciida waxaa uu aad ugu waaniyey dadweynihii ka soo qeyb galay salaada ciida alle ka cabsi ,midnimo ,iyo in laga shaqeeyo maslaxada guud ee umaada .

Sheekh Dr Haaruun ayaa sidoo kale ku booriyey umada Soomaaliyeed in ay heshiiyaan is cafiyaan ayna gutaan waajibka alle kuna dhaqmaan shareecada Islaamka kana bilaabaan guryahooda .

Sheekh Dr Haaruun Sheekh Xasan ayaa si gaara ula dardaarmay raga waxaana uu ugu baaqay in ay wanaajiyaan gurigooda ayna gutaan waajibkii alle faray oo ahaa in reerka ay ku hogaamiyaan wanaaga .

Gabagabadii ayaa Sheekh Dr Haaruun waxaa uu umada Muslinka iyo gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidul Adxaa.

Halgan.net
Stockholm

Leave a comment

*

Archives
September 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online