Magaalada Tromsø ee Woqooyiga Norwey oo si weyn looga ciiday (Masawiro)

September 12, 2016 - Written by Editor

20160912_101333Tromsø :-Iyadoo maanta ay tahay Maalintii 1aad ee Ciidul-Adxaa ayaa waxaa  Muslimiinta  ku nool  Magaalada  Tromsø  oo  ay  Soomaalida  qeyb ka tahay waxa ay ku tukadeen Salaaddii Ciidda gudaha hoolka weyn ee Tromso Hallen oo ku yaalla Magaalada Tromsø waxaana isugu yimid hoolkaas boqolaal muslimiin ah oo ku kala nool gudaha iyo daafaha magaaladani.

Soomaalida ku nool magaalada Tromsø iyo Muslimiinta  kale ayaa la arkayay iyagoo isugu marxabeynaya maalintaan aadka u qiimaha badan ee loogu debaaldegayo munaasabadda Ciidda Adxaa waxaana sidoo kale isu soo baxay dhammaan Odayaasha,Waxgaradka,Dhallinyarada,Haweenka iyo Caruurta ku nool Tromsø oo si weyn looga dareemayay farxadda Ciidda.

Qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa farxaddooda la wadaagay dhammaan Ummadda Islaamka  ee  ku  nool  daafaha adduunka iyagoo ka dalbday qof kasta oo muslim ah inuu gargaaro walaalahooda aan awoodin inay ka farxiyaan caruurtooda.

Culumaa`udiinka Magaalada Tromsø ayaa iyaguna soo bandhigay Muxaadarooyin diini ah oo ku saabsan ahmiyadda ay leedahay weyneenta Munaasabadda ceynkaan oo kale ee Ciidda maadaama ay malaayiin muslimiin ah  soo guteen waajibaad xajka iyagoo ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed inay is cafiyaan oo ay u duceeyaan dalkooda si uu u noqdo wadan xasilloon oo ka gudba marxaladaha aan wanaagsaneyn.

Mohamed |Abdulkadir Dahir MCD

Leave a comment

*

Archives
September 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online