Maxkamada ciidamada Puntland oo xukumo ku ridey maxaabiistii dagaalkii Suuj iyo Garacad.[Dhagayso]

September 20, 2016 - Written by Editor

maxaabiisGaroowe:-Maxkamada ciidamada qalabka sidda dowladda Puntland ayaa waxaa ay maanta si rasmi ah u shaacisay saaka xukumo kale duwan oo ay sheegtay in ay ku riday dhalinyaro ka tirsan ururka Al-shabaab oo maxaabiis ahaa loogu qabtay dagaal mudo usbuuc ah ka socday degmada Garacd iyo deegaanka Suuj ee Gobolka Nugaal oo dhexmary ciidanka Puntland iyo ciidanka Al-shabaab.

Xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sidda Puntland Cabdkariin Xasn Firdhiye oo la hadlay saxaafadda ayaa xusay in 28 ka tirsan Al-shabaab oo da’dooda u dhexayso 15-18 lagu riday 20 sano oo xariga ah halka 13 xubnooda lagu xukumay 15 sano oo xarig ah.

Xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sidda Puntland Cabdkariin Xasn Firdhiye ayaa sidoo kale sheegay in 13 xubnood oo kale lagu riday 15 sano oo xariga ah halka 26 xubnood oo kalena oo da’doodu u dhexayso lagu xukumay dhaqan celin iyo daryeel gaar ah iyagoo lagu xiri doono Xabsiyo gaar ah.

Madaxda dowladda Puntland iyo weliba Garsoorka Maxkamadaha ayaa waxaa lagu eedeeyey in ay horay xabsiyadda Puntland ay uga sii dayeen xubno ka tirsan ururka Al-shabaab waxna ka maleegay dilkii allaha u naxariistee Sh.Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan iyo Sh Cabduqaadir Nuur Faarax oo qaarkood si aan ku helnay xog ay dil ka geysteen magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool halka kuwa kalena ay u gudbeen Koonfurta dalka Soomaaliya.

Dhinac kale Madaxda dowladda Puntland iyo weliba Garsoorka Maxkamadaha ayaa lagu eedeeyey in ay Xabsiyadda Puntland ku hayaan dhalinyaro badan oo aysan weli wax maxkamada ah aysan soo taagin kuwaas oo in mudo ah ku xiran Xabsiyadda Puntland.

Hoos ka Dhagayso Radio Daljir Xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sidda Puntland Cabdkariin Xasn Firdhiye

[audio: http://radiodaljir.com//resources3/files/Xeer-Ilaaliyaha-Maxkamada-Ciidamada-Qalabka-Sida-.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online