Ninkii Mindida ku weeraray dad wax ka iibsanayay suuqa Minnesota oo Soomaali Noqday

September 19, 2016 - Written by Editor

daahirNin mindi ku weeraray dad wax ka iibsanayay suuq wayn oo ku yaalla gobalka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa la sheegay in uu ahaa Daahir Adan oo ahaa 22 jir arday ah.

Aabihii Axmed Aadan ayaa wargeyska Minneapolis ka soo baxa ee Star Tribune u sheegay in Dahir oo ahaa wiil Soomaali ah uu ku dhashay Kenya balse 15-kii sano ee la soo dhaafay uu ku noolaa Maraykanka.

Wuxuu sheegay in waligii uusan ku tuhmin in uu ku lug lahaa falal xag-jirnimo.

Booliiska ayaa ku wargeliyay Axmed in wiilkiisa la toogtay, kaddib markuu tooriyeeyay sagaal qof.

Ma jirto wax caddaynaya sababtii ku qaaday in uu dadka ku tooriyeeyo magaalada St. Cloud oo 100 km u jirta magaalada Minneapolis.

Kooxda la magac baxday Dowladda Islaamka ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaasi, waxayna intaas ku dartay in mid ka mid ah askartooda uu weerarkaasi geystay.

Ilaa iyo hadda masuuliyiinta si rasmi ah umaysan xaqiijinin aqoonsiga shaqsigii weerarka gaystay Bulsahda Soomalida ayaa cambaaraysay weerarkaasi.

Minnesota waxay hooy u tahay Soomaalida ugu badan ee ku nool dalka Maraykanka, Bulshada Soomaalid ayaa si weyn u cambaareeyay falka uu ku kacay Daahir.

BBC Somalia
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online