Puntland Oo Joojisay Gaadiidka Ka Imanaya bartamaha iyo Koonfurta Somalia (Daawo)

September 1, 2016 - Written by Editor

quaanjecelWararkii ugu dambeeyey ee galabtay ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya in la xanibay dhamaan gawaaridii u kala gooshi jirtay Puntland iyo Koonfurta Soomaaliya.

Dikreeto ka soo baxday Madaxweyne ku xiggeenka Puntland ayaa waxaa lagu joojiyey Gawaaridii ganacsiga u kala gudbin jirtay Puntland iyo Koonfurta Soomaaliya ka dib qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Ciidamada Amniga ee Puntland ayaa joojiyey gawaari tiro badan oo kuwaas oo haatan ku xayiran duleedka magaalada Gaalkacyo waxaana lagu amray in rarka ay sidaan ku wareejiyaan jawaari kale oo u soo gudbineysa dhanka Puntland.

Waxaa sidoo kale ku xaniban waqooyiga magaalada Gaalkcyo gawaari tiro badan oo badeeco u siday Koonfurta Soomaaliya waxaana arinkaas cabasho ka muujiyey ganacsatada Soomaaliyeed oo qaarkood sheegay in khudaarta iyo badeecada qaar ay khasaareyso hadaan dhaqso loo gudbin.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac(Quraanjecel) ayaa saxaafada la hadlay ayaa sheegay in Puntland xirtay xuduudaheeda ay la wadaagto koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya si ay u sugto amaanka deegaanada Puntland.

Cabdullaahi Maxamed Jaamac(Quraanjecel) ayaa sheegay in aysan aqbali doonin gaadiid kasoo gudba dhanka koonfurta ama Buuhoodle wuxuuna uga digay Ganacsatada in ay wadooyin qardo jeexa maraan isaga oo ugu goodiyey cidii jabisa amarka uu la mid nqoqon doono Al-Shabaab.

Hoos ka Daawo Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac(Quraanjecel)

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online