Ra’iisul-wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo soo gaaray Garoowe (Masawiro)

September 20, 2016 - Written by Editor

img_7871Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 20 September, 2016 Magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey Ra’iisul-wasaaraha dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo oo ka kooban labada gole ee dawladda Federaalka Soomaaliya.

Soo dhoweynta Ra’iisul-wasaaraha ayaa waxaa ka qayb qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi, labada guddoomiye ku-xigeen, Wasiirro, Xildhibaano, siyaasiyiin, saraakiisha ciidanka, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan.

Wafdigaasi uu hoggaaminayey Ra’iisul-wasaaruhu ayaa soo dhoweyn kadib waxaa loo soo gudbiyey qasriga Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe, halkaas oo ay si wada jir ah warbaahinta qaybeheeda kala duwan ugula hadleen Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Ra’iisul-wasaaraha dawladda Federaalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in uu socdaalka Ra’iisul-wasaaruhu uu salka ku hayo indho-indhaynta hawlaha la xiriira arrimaha doorashooyinka oo ka soconaya guud ahaan dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in Ra’iisul-wasaaruhu u yimi Puntland sidii loo sii amba qaadi lahaa geeddi socodka hannaanka doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona bilaha soo socda, isla markaana uu doonayo Ra’iisul-wasaaruhu in uu si dhow ula socdo xasilloonida iyo nabadda gaamurtey ee ka jirta Puntland.

Dhinaca kale Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay sida aan kala harka lahayn ee ay dawladda Puntland iyo shacabkeeduba u soo dhoweeyeen isaga iyo wafdigiisa isla markaana uu muddo kooban sii joogo Puntland.

Ugu dambayn Ra’iisul-wasaaraha ayaa ku ammaanay dawladda Puntland nabad-gelyada, xasilloonida iyo hannaanka dawladnimo ee ka jirta Puntland, isagoona u rajeeyey in hannaanka doorashooyinku ay Puntland si wanaagsan uga qabsoomi doonaan.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
September 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online