Ra’iisul wasaaraha Dowlada Federalka Soomaaliya Dr.Cumar Cabdirashiid oo laga sugayo Garoowe

September 20, 2016 - Written by Editor

sharmaakeGaroowe:-Ra’iisul wasaaraha Dowlada Federalka Soomaaliya Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa maanta waxaa laga sugayaa in uu booqasho ku yimaado magaalada Garoowe ee xarunta dowladda Puntland. Wafdiga uu hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha Dowlada Federalka Soomaaliya Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa maalmihii danbe la hadal hayey in ay yimaadaan magaalada Garoowe si ay kulamo ula qaataan Madaxda Puntland kulamadaas oo salka u haysa loolanka siyaasadeed ee Madaxnmada dalka Soomaaliya oo dhawaan a dhici doonta Soomaaliya.

Wafdiga Ra’iisul wasaaraha Dowlada Federalka Soomaaliya Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa safariisa waxaa uu hordhac u yahay loolalka doorashooyinka ee madaxda dowladda federaalka ay doonayaan in ay ka bilaabaan gobollada dalka gaar ahaan Puntland oo la filayo uu soo dhawaan soo gaaro Madaxweynaha dowladda Federaalka soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo uu dhamaaday waqtigii loo doortay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wafdiga Ra’iisul wasaaraha Dowlada Federalka Soomaaliya Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa la filayaa in ay socdaal ku gaaraan magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar iyagoo kulan gaar ah la qaadan doona Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka mid ah Issimada ugu waaweyn ee Puntand.

Wixii soo kordha kala soco Halgan.net

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online