Ra’iisulwasaaraha DFS oo mar kale ka hadlay Muranka Badda DFS iyo Kenya
September 22, 2016 - Written by EditorRa’iisul Wasaaraha DFS Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa maanta warbaahinta kula hadlay xarunta Madaxtooyada Puntland waxaana uu faahfaahin ka bixiyey arrinta Badda wuxuuna sheegay in rag siyaasiyiin ah ama musharaxiin ah ay magac ku raad sanayaan .
Ra’iisul Wasaaraha DFS Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa sheegay in aysan jirin haba yaraatee wax Heshiis ah oo DFS iyo dowlada Kenya wada galeen oo ku saabsan Badda Soomaaliya. Hadalka Ra’iisul Wasaaraha DFS ayaa waxaa uu ku soo aaday xilli Dacwada badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ay ka socoto Maxkamadda ICJ ee wadanka Holand.
M_M Deeq
Halgan.net