Wafdi ka socda dowlada federaalka iyo Urur goboleedka IGAD oo gaaray Jowhar

September 7, 2016 - Written by Editor

jowharJowhar:-Wafdi ka socdo wasaaradda Arimaha Gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Urur goboleedka IGAD ayaa gaaray maanta magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe.

Wufuuda ka socota Urur goboleedka IGAD iyo wasaaradda Arimaha Gudaha DFS ayaa waxaa ujeedada socdaalkooda waxaa lagu sheegay sidii ay u dardar-galin alahaayeen sameynta Maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Socdaalka wafdiga wasaaradda Arimaha Gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Urur goboleedka IGAD ayaa waxaa uu ku soo aaday xili uu shalay sheegay Raisulwasaaraha DFS Cumar Cabdrashiid Cali “Sharmaarke”in go’aanka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabellada Dhexe laga soo saari doono shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee ka socda maalintii labaad magaalada Muqdisho.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online