War-murtiyeedka ”Isbahaysiga Isbedel-sameynta Soomaaliyeed Shirweynaha Muqdishu Taariikhda 8 – 9 September, 2016”[Masawiro]

September 10, 2016 - Written by Editor

img-20160910-wa0014Muqdisho:-Isbahaysiga Isbedel-Sameynta Soomaaliyeed (Coalition for Change) oo ka kooban Murashaxiin Madaxweyne, Hogaamiyayaal Xisbiyada Siyaasadeed ee Dalka, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ayaa ku yeeshay shirweyne labo maalmood ah 8-9/09/2016 caasimadda Soomaaliya ee Muqdishu. Shirweynuhu ku markuu warbixin ka dhageystay xubnaha isbahaysiga ku aadan xaalada murugsan ee siyaasadeed, Nabadgelyo, Dhaqaale iyo Bulsho ee dalku marayo waxaa uu go’aansaday:

1- Isbahaysigu wuxuu cadeynayaa in ay dhammaatay sharciyaddii Madaxweynaha Mudane Xasan Sheekh Maxamuud wixii ka dambeeya 10ka September, oo ay saacado ka harsan yihiin, wuxuuna dalbanayaa in xilka Madaxweyne loo dhaariyo 10ka September 2016 si ku-meelgaar ah Gudoomiyaha Barlamaanka, sida ku xusan qodobka 94aad iyo 94aad ee Dastuurka.

2- Si loo ilaaliyo danaha is-burinaya (conflict of interest), maadaama uu Raysal Wasaare Cumar C/rashiid isku sharraxay xilka Madaxweyne 5tii September waa in uu xilku ku wareegaa Raysal Wasaare Ku-xigeenka.

3- Hadii ay dhacdo in loo hogaansami waayo dustuurka dalka, Isbahaysigu wuxuu ku dhaqaaqayaa, isagoo horkacaya bulshada, dibad-baxayo nabadeed iyo dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed illaa loo hogansamo dastuurka. Wuxuu sidoo kale Dacwad Maxkameed u gudbinayaa Makamadda Saree e dalka.

4- In Murashaxiinta Madaxweyne ee doorashada 2016 ee ku bahoobay Isbahaysiga Isbedel Sameynta iyo hogaamiyaasha siyaasadeed ee xubnaha ka ah isbahaysiga ay u midoobaan sidii Hogaan Cusub dalku u yeelan lahaa, kaasoo bedela Mudane Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo waqtigiisa saacado ka dhiman yihiin .

5- Isbahaysigu wuxuu dalbanayaa in uu xubno ku yeesho dhammaan guddiyada lafdhabarka u ah doorashooyinka 2016.

6- Isbahaysiga Isbedel Sameyntu wuxuu u arkaa muddo kororsiga joogta ah ee ay Madashu ku kacayso in aysan waafaqsaneyn Dastuurka, laguna carqaladaynayo habsami-u-socodka howlaha doorashooyinka.

7- Isbahaysigu ma aqbali doono in lagu kordhiyo xubin dheeraad ka ah 135tii oday-dhaqameed, ama si dadban loo sarrifo.

8- Isbahaysigu wuxuu ka digayaa in hantida, hay’adaha maamulka iyo amniga, iyo warfaafinta Qaranka loo adeegsado doorashada musharrax Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cumar C/rashiid.

9- Shirweynuhu wuxuu bogaadinayaa dadaalka ay wadaan Isbahaysiga Xisbiyadda ee ku aadan daah-rogida musuqmaasuqa, boobka iyo dhaca dalka ka socday Afartii (4) Sano ee la soo dhaafay, waxaana si gaara Isbahaysigu uga digayaa in musuqmaasuq lagu sameeyo doorashada heerarkeeda kala duwan.

10- Isbahaysigu wuxuu ka dalbanayaa Ciidanka Qalabka sida iyo AMISOM in ay ilaaliyaan ammaanka Musharaxiinta si isku mid ah, gaar ahaan Musharixiinta Madaxweyne iyadoo laga cabsi qabo in xilayadaan doorashada ay kordhaan dilal siyaasadeysan. Isbahaysigu wuxuu ku wargelinaya Ciidamada Qalabka sida iyo AMISOM in ay ka dhamaatay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud xilkii Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida.

11- Xoogagga Mucaaradka iyo Shacabka Soomaaliyeed oo is-garabsanaya in ay gudaha dalka iyo dibadaba ka bilaabaan olole nabadeed oo ka dhan ah musharrax Xasan Sheekh Maxamuud, oo awooddii dawladda doonaya inuu u adeegsado soo- noqoshadiisa, taasoo Halkudhigeedu yahay “Dhibtoonaye, Na Dhaaf”.

12- Isbahaysigu wuxuu dalbanayaa in dadaalada maamul-u-sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe laga dhigo doorashada 2016 kadib.

13- Isbahaysigu wuxuu ugu baaqayaa Urur-Goboleedka IGAD in uu joojiyo jajuubka, qasbidda iyo caga-jugleynta uu ku hayo Shacabka walaalaha ah ee labada gobol (Hiiraan iyo Sh/dhexe) iyo hogaanadooda siyaasadeed iyo dhaqan.

14- Isbahaysigu wuxuu beesha caalamka ugu baaqayaa in ay dhex-dhexaad ka noqdaan doorashada 2016, oo aysan ku dagmin siyaasadda khilaafsan dastuurka dalka iyo xasilooniyada umadda, ee uu hogaminayo Mudane Xasan Sheekh Maxamud. Waxaan kaloo dalbanaynaa in ay fursad siman siiyaan Musharraxiinta oo idil.

15- Isbahaysigu wuxuu cadaynayaa in uusan qayb ka noqon doonin doorasho ku- shubasho ah, oo aan loo maamulayn si daah furnaan ah.

16- Isbahaysiga Isbedel-Samayntu waxay ku heshiiyeen inay ku qabtaan shirwanaha 2aad Meel kamid ah gobolada dalka bishan September 2016 dhexdeeda.

17- Isbahaysigu wuxuu dusha kaga tuurayaa madaxda Federaalka masuuliyadda fashilka heshiis la’aanta iyo dibudhaca doorashada. Waxaa muuqata in madaxda Madasha Qaran ay dannaha gaar ah ka hormarinayaan danta qaran iyagoon mudnaan siinyaan habsami u socodka hawlaha doorashooyinka. Isbahaysigu dhowaan wuxuu Asoo jeedinayaa aragti xal lagu gaari kaari xiliga kala guurka ah.

XUBANAHA ISBAHAYSIGA ISBEDEL SAMEYNTA SOOMAALIYEED

Xubanaha Isbahaysiga ee Shirka Goobjooga ka ahaa:-
A- Musharaxiin Madaxweyne 2016

1- Mudane C/weli Sheekh Axmed, Gud. Xisbiga Madasha Wadaniga, Murashax Madaxwayne 2016

2- Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Murashax Madaxwayne 2016

3- Mudane Cabdiraxman Sh. Maxamuud Faroole Murashax Madaxwayne 2016

4- Mudane Cabdullahi Goodax Barre

5- Mudane Xassan Macalin Maxamuud, Gudoomiyaha Xisbiga Daljir

6- Mudane Cabdullahi Axmed Xuseen (Coonka) Xildhian.

7- Mudane Saacid Abdullahi Dani Murashax Madaxwayne

8- Hon.Cabdullaahi Ciilmoge Xirsi, Gudoomiyaha Xisbiga Xiis.

9- Mudane C/raxmaan C/shakuur Warsame Gud. Xisbiga Wadajir, Murshax Madaxwayne 2016

10- Mudane Cali Xaaji Warsame, Gud. Madasha Cadaalada & Hourumarinta, Murashax Madaxwayne 2016

11- Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Gud. Xisbiga xxxxxxxxxxxxxxx Murashax Madaxwayne 2016

12- Mudane Ambassador Maxamed Cali Ameeriko, Murashax Madaxwayne 2016

13- Marwo Canab Maxamed Daahir, Murashax Madaxwayne 2016

14- Mudane Dr C/naasir Cabdulle Maxamed, (Gurmad) Murashax Madaxwane 2016

15- Prof. Cabdirahman Cabdullahi Badiyow, Gud.Xig. Xisbiga Madasha Wadaniga, Murashax Madaxwayne 2012.

16- Mudane Salaad Cali Jeelle Gud. Xisbiga Midnada iyo Dimuquraadiyada Soomaaliyeed.

17-Mudane Ambasador Eng Axmed Macalim Fiqi- Xoghayaha Guud ee Xisbiga Daljir.

18. Mudane C/qaadir Maxamed Cusmaan Caanooy (Barnaamij) – Gudoomiyaha Xisbiga Kulan-

19. Marwo Faadumo Dayib, Musharax Madaxweyne 2016

20. Mudane Cabdirisaaq Waaberi, Gud. Xisbiga Midnimo Qarqan.

21. Mudane Mukhtaar Caynaanshe- Aqoonyahan.

22. Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamed, Murashax Madaxwayne 2016

##Dhamad##

Leave a comment

*

Archives
September 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online