Berito oo ku beegan maalintii Al-shabaab ay dileen Sh Dr Axmed Xaji C/raxmaan Raximahulaah.[Daawo]

October 10, 2016 - Written by Editor

indexBoosaaso:-Maalinta berito ah  ayaa waxaa ay ku beegan maalintii kooxda amniyadka Al-Shabaab ay dileen allaha u naxariistee Sh. Dr Axmed Xaji C/raxmaan Raximahulaah isaga oo sooman 10aadka 1433 xili uu ku soo tukaday Masjidka Xusen Bin Cali ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Dilka Sh.Dr Axmed Xaaji C/raxmaan iyo culumo badan oo uu ka mid yahay Sh C/qaadir Nuur Faarax ,Sh.Maxamed Tahliil  iyo ducaad kaleba waxaa loo heystaa kooxda Al-Shabaab iyo madaxdooda aduun iyo aakhiraba.

Dilka Sheekh Dr Axmed Xaji C/raxmaan ayaa kooxda Al-shabaab oo beentu diinta ka dhigta waxay isku dayeen in ay u saaraan dilka Sheekha PIS -ama Sirdoonka Puntland taas oo kashiftay beentoodii a dib markii Gudi loo saaray baaritaanka dilka sheekh oo ahaa Qoyska uu reerka ka dhashay ee Leelkase ay soo saareen Bayaan ay ku cadaynayaan cid dishay sheekh Axmed iyagoo ku eedeeyey Al-shabaab una diray muuqaalo iyo cadaymo kale duwan saxaafadda soomaalida oo Halgan.net ay ka mid ahayd.

Halgan.net ayaa dib u daabacaysa cadeymihii kooxihii ka danbeeyey dilka Dr Axmed Xaji C/raxmaan oo qaar ka mid ah la toogtay halka qaar kale aan wili la qaban walow raggii dilka sheekha qorsheeyey dhamaantood ay dhinteen marka laga reebo tiro aad u yar.

Daawo Video qiraal ay sameynayaan kuwii dilay Sheekh Dr.Ahmed Xaji Ugaar ah Halgan.net [Qaybta 1aad yo Qeybtii 2aad ]”

Abu-Yasir Al-Muqdishi Al-shabaab baa dilay Sh.Dr Axmed Xaaji iyo Sh C/qaadir Nuur Faarax

.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2016
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online