Dagaal ka dhacay saaka galbeedka fog magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug

October 7, 2016 - Written by Editor

gaalkacyoGaalkacyo:-Dagaal u dhaxeeyo ciidamo kala taabacsan Gal-Mudug iyo maleeshiyo beeleed ku sugnaa xaafada Garsoor iyo ciidan ilaalo ka ahaa Maxjar laga hirgelinayo  Gaalkacyo ayaa saaka ka dhacay dhanka Koonfureed ee magaalada Gaalkacyo dagaalka ayaa geystay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa bilaawday saaka aroortii ka dib markii ay ciidamo ka tirsan Galmudug ay soo weerareem meel laga dhisayo maxjarka xoolaha ee galbeedka fog magaalada Gaalkacyo kaas oo ay Maamulka Puntland u asteeyey in Ganacsiga xoolaha la kula wareegsado.

Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhintay dagaalka, halka tiro intaa ka badan ku dhaawacmeen ciidanka Puntland ayaan ilaa haatan qeyb ka ahayn dagaalka saaka ka dhacay galbeedka fog magaalada Gaalkacyo .

Dagaalka ayaan ilaa haatan wax saameyn ah ku yeelan gudaha Gaalkacyo, waxaana si caadi ah u socda ganacsiga magaalada waxaana marmarka qaar la maqlayaa rasaas goos goos u dhaceysa.

Wararka naga soo gaaraya Gaalkacyo ayaa sheegaya in haatan uu qaboobay iska horimaadka ka dhacay duleedka Gaalkacyo ,Waxgaradka iyo culumaa’udiinka ayaa baaqyo kala duwan u jeediyey labada dhinac ee dagaalamay in dagaalka ay joojiyaan

Labada Maamul ee Galmudug iyo Puntland ayaan wili ka hadal dagaalka ka dhacay magaalada Gaalkacyo, Siyaaasiyiinta labada dhinac ayaa mar walb huriya dagaalka magaalada iyada oo DFS aysan wax xal ah u raadin nabad magaalada Gaalkacyo balse lagu tuhmayo in ay garab ay taageereyso.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2016
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online